DEG DEG:R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Oo soo gaaray Muqdisho

Afrikada, Muqdisho:Ra’iisul Wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka soo degay gegida caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ah mid rasmi ah, waxaana ay ka qeyb ka tahay kuwo uu ku marayay dalalka deriska iyo dalal badan oo Itoobiya ay dano wadaagaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa loo soo galbin doonaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyinka, halkaasoo la dhigay ciidamo fara badan, Waxaana hada socota soo dhowayntiisa.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa lagu dhejiyay calamada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana xalay wadadaas ka socday howlo nadaafeed aad u ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa siyaasad furfuran ku wada dalkiisa, isagoo sameeyay is bedelo siyaasadeed, waxaana Itoobiya u baryay waa cusub, Iyadoo Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ee bisha Ramadaan aheyd mid aad loo adkeeyay.

READ MORE:  DEG DEG: Caalamul Islaam Oo Ku Faraxsan Guusha Erdogan Iyo Warbaahinta Reer Galbeedka Oo aan maanta Waxba Reebanin

Booqashadani Abiy Ahmed ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ku yimaado, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii April sanadkan 2018

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: