DEG DEG:Farmaajo iyo Qadar Oo la hareereeyay+RW Kheyre Oo Awood Ciidan Indhaha u saaray Abiy Ahmed | Afrikada

DEG DEG:Farmaajo iyo Qadar Oo la hareereeyay+RW Kheyre Oo Awood Ciidan Indhaha u saaray Abiy Ahmed

Afrikada, Muqdisho: Nidaamka Istraatiijiyadeed ee siyaasadda wadammada Qadar iyo Soomaaliya ayaa qiilqiil ku jira iyadoo Imaaraadka Carabtu soo degeen Itoobiya.

Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan labo nin oo musiibo ah ayaa markiiba fahmay meesha jeegga laga degay, waxaana ay beryo kahor ay xireen jidadka waaweyn ee caasimadda Muqdisho si ay amniga gudaha uga adkaadaan una muujiyaan awood dowladnimo. Waxaa la waabiyey Al- Shabaab iyadoo Farmaajo iyo Kheyre farta ugu waceen wiilka da’da yar ee Xisbiga EPRDF ay xilka Itoobiya u dhiibeen bilo ka hor.

Madaxtooyada ayaa la isla galay waxaana la isla gorfeeyay arrimo badan oo ay ka mid tahay in Itoobiya lagu wareejiyo 4 dekadood si ay u labo jibbaarto wax lagu sheegay ‘horumarinta iyo iskaashiga’ balse haddiiba 4-ta dekadood oo haatan 2 horey Imaaraadku uga talinayey laga qaato Farmaajo ayaa tani waxa ay u muuqataa weerar diblumaasiyadeed iyo tab dagaal oo aan caadi aheyn oo isbaheysiga Imaaraadka & Sacuudigu
Ku soo qaadeen dowladda federaalka Soomaaliyeed.

READ MORE:  M/Weynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo bandhigay Talo lagu xalin karo Colaadda TUKARAQ

Xaaladda waa ku adag tahay m/weyne Farmaajo iyo Kheyre oo xitaa dadkooda aan taageero ka heysan, dadku waa S/land, Puntland, K/Galbeed iyo xitaa Islaan Madoobe.

Caawa hurdo uma taal m/weyne Farmaajo waxaana xiriirka cusub ee Imaaraadka iyo Itoobiya uu soo taxan yahay ilaa Eritrea oo diyaarada Imaaraadku asbuucii la soo dhaafay ay ka duulayeen Asmara kana duqeynayeen magaalada Xudeyda ee dalka Yemen. Abiy Ahmed waxa uu ogolaaday in uu dhul siiyo Eritrea taasi oo isku dhinac ka dhigtay Eritrea iyo Mr.Ahmed marka loo eego danta uu Imaaraadku leeyahay.

M/weyne Farmaajo ayaa ka dhammaan waayey ereyo ay ka mid yihiin “faro gelinta ka daaya Soomaaliya.. Waxaanu nahay dal madax banaan oo cidii uu doono la safan kara”

Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa ka soo gacan haatineysa dekadda weyn ee Port Saciid ee dalka Suudaan halkaasi oo ay goor hore iyada iyo Turkigu xirteen.

Su’aasha meesha taal ayaa noqoneysa…Waa la isku heystaa Wixii madaxda kaa dhigay? Iyadoo dhiigu uu caawa ku kacsan yahay Kheyre Iyo Farmaajo, sababtoo ah ciyaar ma ahan in Itoobiya ay la wareegto 4-ta dekadood ee dalka Soomaaliya iyadoo fulineysa amarka Imaaraadka Carabta xilli Farmaajo ku tolan yahay oo laga fujin waayay xiriirka wadanka Qatar!

READ MORE:  DAAWO: Axmed Madoobe Oo maanta ka hadlay xiisada dagaal ee Tukaraq

HOOS KA AKHRI: Qodobbada Dekadaha taabanaya ee Lagu heshiiyay:

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ugu muhiimsanaa.

Waxa ay madaxda si wad jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay horey uga hortimid heshiis lala galay shirkadda DP World oo ay ku maamulayso dekada Berbera, heshiiskaas oo Itoobiya qeyb ka ahayd.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->