DEG DEG:Akhriso Farmaajo Iyo Abiye Axmed Oo kala Saxiixday Heshiis “Inaan la isku Soo Xadgudbin” | Afrikada

DEG DEG:Akhriso Farmaajo Iyo Abiye Axmed Oo kala Saxiixday Heshiis “Inaan la isku Soo Xadgudbin”

Afrikada, Muqdisho: Warar xasaasi ah ayaa soo baxaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu u yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Xaaladda ayaa ka duwaneyd sida la moodayey iyadoo meesha ay taallo mixnad diblumaasiyadeed kadib markii itoobiya ay taageero weyn ka qaadatay wadanka Imaaraadka Carabta.

Ma jiraan wax ku cusub heshiiskii saaka ay kala saxiixdeen m/weyne Farmaajo iyo r/wasaare Abiy Ahmed iyada oo sida ka muuqata arrimaha ku xusan ay yihiin in labada wadan aaney isku soo xadgudbin iyo in iskaashi dhaqaale iyo fur furnaanshaha uu ahaado mid ay muhiim tahay in la muujiyo.

Heshiiska Farmaajo Iyo Abiy kala saxiixdeen ayaa u muuqda mid daba yaal heshiiska dhaqaale ee Imaaraadku la galeen wadanka Itoobiya, kaasi oo wax ka bedelay siyaasadda gobolka ee ku saleysan Qadar Iyo Imaaraadka.

Dood kulul ayaa saaka dhex martay Axmed iyo Farmaajo waxaana la isku soo qaaday xaaladda iyo deganaanshiyaha gobolka iyadoo Imaaraadku aanu waxba reebaneynin si uu gacanta ugu dhigo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

READ MORE:  Dabka kacay xarumo Ganacsi Oo ku dhow masjidka Weyn ee Addis Ababa

Heshiiskii saaka waxaa kamid ahaa in la istix-geliyo, in la dhowro madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo xor u ahaanshiyaha arrimaha siyaasadda dalalka heshiiska ku xusan ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

HALKA HOOSE KA AKHRI HESHIISKII SAAKA LA SAXIIXAY:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->