8-da ciyaartoy Ee ugu mushaharka Badan Ciyaaraha kubadda Cagta dunida; DAAWO SAWIRADA

Afrikada, Russia: Ciyaaraha kubadda cagta ayaa ah kuwa ugu bulshada badan ciyaaraha isboortiga ee maanta dunida ka jira. In ka badan hal bilyan ayaa daawatay ciyaarihii koobka kubadda cagta adduunka ee ugu dambeeyay ee dhacay 2014-kii, sanadkaasina waxaa FIFA ay lacag ahaan ka qabatay in ka badan 5.7 bilyan oo doolar lacagta Mareykanka ah.

Ciyaartoyda qaar ayaa si la mid ah sida uu u faa’iido ururka FIFA ayaa iyaguna waxaa u soo xaroota lacag badan, marka loo eego shabakadda wax cabirta ee caanka ah ee Forbes waxa ay qiimeysay 100-ka ciyaartoy ee la siiyo mushaharka iyo gunnada ugu badan ee ciyaartoy la siiyo caalamka oo dhan. 5 meelood 3 ayaa ah ciyaartooy dheela kubadda cagta, guud ahaanna waxaa ay noqdeen 8 ciyaartoy oo dheesha kubadda cagta ka qaata lacagta ugu badan.

Waa kuwan liiska 8-da Ciyaaryahan ee ugu taajirsan dhanka Kubadda Cagta adduunka oo dhan:

8. Luis Suarez

Lacagta la siiyo: $26.9 Milyan
Mushahar/Lacagta Guulaha: $19.9 Milyan
Xayeysiinta ka soo gasha: $7 Milyan
Wadanka Uu u dheelo: Uruguay
Naadiga: FC Barcelona
Booska Uu ka dheelo: Safka hore.

 

7. Wayne Rooney

Lacagta Guud: $27 M
Mushahar/Guulaha: $22 M
Xayeysiinta: $5 M
Wadanka Uu u dheelo: England
Naadiga: Everton
Booska uu ka dheelo: Safka Hore

READ MORE:  DHAGEYSO: Wararkii Ugu dambeeyey+Rasaas Culus Oo Galabta La isdhaafsaday Tukaraq

 

6. Oscar

Lacagta Guud: $27.4 Milyan
Mushahar/Guulaha: $25.9 Milyan
Xayeysiinta ka soo gasha: $1.5 Milyan
Wadanka Uu dheelo: Brazil
Naadiga uu u dheelo: Shanghai SIPG
Booska uu ka dheelo: Bartamaha

 

5. Paul Pogba

Lacagta Guud: $29.5 Milyan
Mushaharka tooska ah/guulaha: $25 Milyan
Xayeysiinta: $4.5 Milyan
Wadanka Uu dheelo: France
Naadiga Uu u dheelo: Manchester United
Booska uu ka dheelo: Bartamaha

 

4. Gareth Bale

Lacagta guud: $34.6 M
Mushaharka bishii/guulaha: $28.6 M
Xayeysiinta: $6 M
Wadanka Uu u dheelo: Wales
Naadiga: Real Madrid
Booska Uu ka dheelo: Safka hore

 

3. Neymar

Lacagta Guud: $90 Milyan
Mushaharka/Guulaha: $73 Milyan
Xayeysiinta: $17 Milyan
Wadanka Uu u dheelo: Brazil
Naadiga: Paris Saint-Germain
Booska Uu ka dheelo: Safka hore.

 

2. Cristiano Ronaldo

Lacagta guud: $108 Milyan
Mushaharka/guulaha: $61 Milyan
Xayeysiin: $47 M
Wadanka Uu u dheelo: Portugal
Naadiga: Real Madrid
Booska Uu ka dheelo: Safka Hore

 

1. Lionel Messi

Lacagta guud: $111 Milyan
Mushaharka tooska ah/guulaha: $84 Milyan
Xayeysiimaha: $27 M
Wadanka Uu u dheelo: Argentina
Naadiga Uu u dheelo: FC Barcelona
Booska Uu ka ciyaaro: Safka hore

READ MORE:  Nin Waayeel ah oo maanta lagu Dilay Muqdisho

Ciyaaryahankani Lionel Messi ayaa waqtigan xaadirka ah noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka oo dhan.

Ciyaartoygan reer Arjantiin ayaa u soo dheelayey kooxda FC Barcelona tani iyo sanadkii 2000, oo da’diisu aheyd 13 sano jir. Sanadkii 2017, Messi waxa uu qandaraas la saxiixday in uu sii joogo naadigaasi ilaa inta laga gaarayo xilli sanadeedka 2020-2021 taasi oo heshiiska ku dareysa adduun dhan €700 milyan lacagta Euro ah, (u dhiganta ugu yaraan $822 oo doolar) lacagtani oo isaga lagu iibsaday gebi ahaantiisba. Marka loo eego majaladda Forbes, waxa ay sheegaysaa in xiddigani uu soo xareeyay $111 milyan oo doolar sanadii tagtay oo qur ah.

Messi waxaa aad ugu soo dhow xidigga caanka ah ee Cristiano Ronaldo, kaasi oo mar ahaa ciyaaryahanka ugu mushaharka iyo gunooyinka badan la siiyo ee sanadkii tegay. Ronaldo waxa uu saxiixay qandaraas kordhin uu la galay kooxda Real Madrid sanadkii 2016 taasi oo la rajeynayo in uu qiimihiisu dhamaa in ka badan $50 milyan sanadkii. Waxa uu ciyaaryahankani caan ku yahay in ay ku soo xoomaan oo ay xayeysiin weydiistaan shirkadaha caalamiga ah kuwaasi oo uu wax u xayeysiiyo. Shirkadaha qandaraasyada xayeysiinta la gala waxaa ugu caansan shirkadaha ganacsi ee caanka ah sida Nike iyo Tag Heuer.

READ MORE:  DAAWO: Cabdi Iley Oo RAALI GELIYAY BAADARIGII Kaniisadda laga gubay?+Maxaa Loo weeraray DDSI?

Marka laga soo tago lacagaha ay shaqeystaan ee samada isku shareeray, ayaa labadani xiddig ee Ronaldo iyo Messi waxa ay wajahayaan eedeymo la xiriira dhanka la goosashada canshuuraadka. Sanadkii 2016 Messi iyo aabihii, Jorge Horacio Messi, ayaa waxaa lagu helay dembi ah in ay were found guilty on 3 wareeg oo ay khiyaaneen madaxda canshuuraha iyaga oo la goostay €4.1 milyan oo geniga isterliinka ah. Sanadkii 2017, Ronaldo ayaa isaguna waxaa uu eed kala kulmay dowladda wadanka isbeyn. Waxaana ay Spain ku eedeeysay C.Ronaldo in uu ka khiyaanay xafiisyada canshuurta dalkaasi lacag dhan € 5 milyan oo lacagta Ingiriiska ah taasi oo u dhiganta ($17.5 milyan oo doolar) oo aan canshuur laga bixin.

Dhammaanba xidigaha ugu mushaharka badan waa rag, dhammaantoodna waxa ay ka wada dheelaan boosaska safka hore ama dhexda.

 

 

 

 

 

 

 

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: