Warbaahinta W/Kuuriya Oo sii daysay Video aan hore loo daawan oo Trump iyo Kim yeesheen | Afrikada

Warbaahinta W/Kuuriya Oo sii daysay Video aan hore loo daawan oo Trump iyo Kim yeesheen

Afrikada, Pyongyang:Warbaahinta wadankaasi Waqooyiga Kuuriya ayaa hawada geliyay muuqaal aan hore looga daawan dunida kaasi oo muujinayey qaab ka gedisan kulankii dhex maray Donald Trump iyo Kim Jong Un. Labada hogaamiye ayaa la sheegay in kulankii ay qaateen laga duubay muuqaallo kala gedisan.

Muuqaallada ayaa muujinayey Kim oo diyaaraddii kulamo aan hore loo arkin la yeelanaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Waxyaalaha kale ee dadku isla dhex marayaan ayaa waxaa ka mid ah in Kim uu aad u faraxsanaa intii aanu shirka imaanin hase yeeshee uu aad uga xumaaday qodobada shirka iyo dokumentiga oo ahaa mid ay ku qoran yihiin shuruudo aad u adag oo aan loogu ixsaan falin North Korea.

Dhanka kale, waxaa warbaahintu ka warameysaa sidii hogaamiye Kim Jong Un uu u kala bedeshay diyaaradihii uu ku yimid wadanka Singapore, isagoo amnigiisa oo la sugayey awgeed kala si aan la ogeyn u kala bedeshay qalimaantii uu wax ku saxiixayey si aan faro looga qaadin, waxaana uu watey qalimaan isaga u gaar ah iyadoo walaashiis ay kala hageysay waraaqaha saxiixa.

READ MORE:  Millitariga Mareykanka Oo Kenya Ugu deeqay Gawaari Qafilan Oo lagu Waardiyeyn doono Derbiga Xaduudka

Sidoo kale diyaaradii siday ayaa markii ay ka kacday Singapore waxa ay hawada ku dhex bedelatay calaamaddii ay markii hore sidatay halka markii uu ka degay Shiinaha mid isaga u gaar ah lagu qaaday.

DURUUFO ADAG OO LA TUHMAYO IN AY HEYSTAAN KIM IYO UMMADA UU HOGAAMIYO:

Mareykanku waa uu saadaalin waayey sababaha deg degta ah ee uu Kim Jong Un u aqbalay heshiisyada isla markaasina uu u garowsaday in reer Galbeedku shuruudaha ay rabaan ay u soo qoraan, balse waxaa hadal heyn hoose ay sheegaysaa in wadankiisu qarka u saaran yahay dhaqaale xumi baahsan taasi oo dowladdiisa heysata, N/Korea ayaa sidoo kale waxaa cadaadis dhanka cuntada ah ku haya Shiinaha oo u cabira waxa uu quudanayo, waxaa sidoo kale waayihii ugu dambeeyay uu dhaqaalihiisa geliyay hubka Nukliyeer-ka kaasi oo uu haatan haddii ay suuro gal noqoto uu doonayo in deg deg uu ugu bedesho dhaqaale, raashin iyo daawo uu shacabkiisa u helo.

Cadaadiska saaran Waqooyiga Kuuriya ayaa ka yimid kadib markii laga xir xiray wadooyinka caalamka oo ay u soo mari jireeen beec mushtar kala duwan.

READ MORE:  Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Turkiga Iyo Mareykanka Oo kulmay

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->