Nin Soomaali ah Oo 2 Qof tooreey ku dilay, isagiina la toogtay

Afrikada, Malmesbury, South Africa:Nin Soomaali ah ayaa labo qof tooreey ku dilay isla markaasina dhaawacay 2 kale ka hor intii aan laga kala cararin masaajid ku yaal wadanka Koonfurta Afrika, maalinimadii Khamiista.
Booliska ayaa toogtay ninkaasi sida saraakiishu ku soo waramayaan.

Booliska ayaa sidoo kale hareereeyay goobta oo ku taal daarta Malmesbury oo u dhow magaalada Cape Town halkaasi meydka ninkaasi bolisku hoos dhigeen geed weyn oo masaajidka hortiisa ku yaal, sida ay ku soo warameyso wakaaladda wararka AFP.

Weeraryahaynka ayaan la ogeyn sababta uu weerarka u qaaday iyadoo boolisku sheegeen in uu ninku ahaa qof Soomaaliya u dhashay.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli bil ay ka soo wareegtay mindi gelin ka dhacday masjid kale taasi oo boolisku sheegeen in ay la xiriirtay ‘fal argagixiso’ iyadoo goobta lagu qaarajiyey qof hogaamiye muslimiinta dalkaasi ah.

Arrimahani argagaxa leh oo dadka masaajidka lagu gaadayo ayaa waxaa ay tii ugu dambeysay maalmihii ugu dambeeyay ee Soonka waxaana ay ku dhacday Zainab Bassa, oo aheyd xaaska 72-jirka Ismaaciil Bass isaga oo lagu dilay weerar mindi ah, waxaa loogu soo galay masjidka isaga oo tukanaya halkaasi oo lagu gowracay isaga oo salaadda ku jira.

READ MORE:  Koonfurta Suudaan Oo cunaqabateyn caalami ah la saarayo

Haweenta ayaa ku catowday in ninkeeda uu nin fiican ahaa isla markaasina uu markii ugu dambeysay u soo iibinayey lebiska ciidda.

Dhibana kale oo ka mid ahaa bulshada Soomaalida ee dalkaasi K/Afrika ayaa boolisku soo weriyeen in la dilay labo kalena la dhaawacay iyada oo haatan isbitaal lagu daweynayo.

Arrimahan ayaa waxaa dhowaan la gaarsiiyay madaxweynaha dalkaasi South Afrika, Ramaphosa waxaana uu tacsi u diray ehelkii iyo dadkii ay ka geeriyoodeen.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
- Sep 21, 2018
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka ...
WAR DEG DEG AH:Gabar kale oo ardayad ah Oo inta JAAMACAD Loogu Galay madaxa laga toogtay?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warar haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda Soomaaliya ee ...
Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka
- Sep 21, 2018
Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada ...
AKHRISO SIRTA ku jirta Soomidda maalinta Yowmul Cashuuraa Ee bisha Muxaram?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Nairobi:  Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ...
DHAGEYSO: Dagaal culus Oo ka dhacay Faafax-Dhuun
- Sep 20, 2018
Afrikada, Jubaland: Dagaal culus caawa ka dhacay meel u dhow degaanka Faafax-dhuun oo ...
%d bloggers like this: