M/Weyne Farmaajo Oo sameeyay ficil Qiiro geliyay Shacabka Soomaaliweyn Oo dhan DAAWO SAWIRADA | Afrikada

M/Weyne Farmaajo Oo sameeyay ficil Qiiro geliyay Shacabka Soomaaliweyn Oo dhan DAAWO SAWIRADA

Afrikada, Muqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

READ MORE:  Museveni Oo ku amray Hey'adda Canshuuraadka Uganda in ay dusha kala socoto wicitaanka taleefanada iyo la bixitaanka lacagaha ee dhanka bankiyada

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.

SAWIRADA MADAXWEYNAHA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->