XOG:Uur-ku-taallada Sida reer Khaatumo ugu kala go’een Garoowe iyo Hargeysa | Afrikada

XOG:Uur-ku-taallada Sida reer Khaatumo ugu kala go’een Garoowe iyo Hargeysa

Xilli uu Soomaali muhiim u noqday ereyga “Waanu kala Degannahay” ayaa hadana beelaha dega Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa aysan heysan xuquuqdoodii aasaasiga aheyd ee aheyd in ay nabad iyo nolol helaan.

Macno ma laha oo haddii maamulkii Khaatumo la hareereeyay, isla markaasina uu fashilmay, balse dhinacyadii fashilka geystay ee (Garoowe iyo Hargeysa)intaa ugama aysan harin, waxaana ay ka daba tageen Khaatumo iyagoo kala jiitay isla markaasina meel waliba ka dooxay. Dhulkii reer Khaatumo ee waayihii taariikheed caanka ku ahaa sumcad sare iyo taariikhdii Soomaaliweyn waxaa goob dhiig sokeeye lagu daadsho u bedelay labada talis iyagoo Khaatumo u diidan in ay noqoto maamul-goboleed xor ah oo 3-deeda gobol dadka dega (Sool, Sanaag & Cayn) sidaasina wax kula qeybsada walaalaheed fedraalka ah.

Walow maanta uu reer Khaatumo marba tii cowsku u baxo gambarka ag dhigata Hargeysa ama Garoowe hadana weli waa ay u baahan yihiin in sidaa uun lagu nabadgeliyo maadaama labada dhiigyacab aysan u diir naxeynin jiritaankeeda.

READ MORE:  Rabshado ka dhacay Uganda kadib markii la dilay Xildhibaan

Qaadashadii federaalka ayaa gobolladaasi Khaatumo gacanta kor u taageen walow laga hor istaagay maantana waxa Khaatumo lagu soo koobay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay u adeegsadaan dhallintaasi jihada dagaallada iyagoo iska horkeenaya hal jufo oo labada dhinac kala adeegsanayaan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->