Xildhibaanad Ruush ah Oo ka digtay in aan la dhex gelin booqdayaasha ciyaaraha K/adduunka | Afrikada

Xildhibaanad Ruush ah Oo ka digtay in aan la dhex gelin booqdayaasha ciyaaraha K/adduunka

Afrikada, Moscow: Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Raashiya ayaa khudbad u jeedisay shacabka dalkaasi  ku sheegtay in haweenka Ruushka ay ka feejignaadaan ajnabiga ka soo qeybgelaya ciyaaraha K/Cagta adduunka ee dalkaasi ka bilaabanaya.

Xildhibaankani ayaa haweenka Ku amartay in aysan u dhowaanin oo ka taxadaraan in ay xiriir dhanka jinsiga la sameeyaan dadka booqashada ku imaanaya Ruushka marka ay bilaawdaan ciyaaraha caalamiga ah ee koobka dunida 2018.

“Dumarkeennu ha iska jiraan yeysan la seexanin booqdeyaasha ka imaanaya dunida inteeda kale, waxa aad ka dhacleysaan in taageerayaashu ay idinkaga tagaan carruur ajnabi ah oo aad korintooda dusha u tuuran doontaan”

“Waa caruur jinsi isku dhaf ah noqonaya, iska jira” ayey tiri Tamara Pleynova oo ah sharci-dejiyahani Ruushanka ah waxaana ay hogaamisa guddiga baarlamaaniga ah ee dhanka qoyska.

Tamara oo la hadleysay raadiyaha Govorit Moskva radio ayaa sheegtay in ay rajeynayso in haweenka Ruushku aaney balansan doonin dadka taagerayaasha ah ee dalka soo booqanaya isla markaasina aysan uur u qaadi doonin nimanka ajnabiga ah.

READ MORE:  Wariye ka tirsanayd TV-ga ka soo baxa dalka Bulgaariya oo la kufsaday lana dilay.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in Koobka Dunidu uu sare u qaadi doono tirada dumarka dalkaasi ee uuroobaya.

Siyaasiyiinta Raashanka ayaa sidoo kale fariin wacyigelin ah u diray ajnabiga booqanaya dalkaasi xilli ciyaareedka World Cup Russia 2018.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->