Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Qudus | Afrikada

Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Qudus

Afrikada, Addis Ababa: Warar rasmi ah oo laga helayo wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dalkaasi lagu qasbay in ay beeniso warar dhowaan la fidiyey oo sheegayay in ay dowladdu ka arrinsaneyso in ay safaaradeeda ku taalla caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv u wareejineyo magaalada barakeysan ee Qudus.

Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin wax qorshe noocaas ah oo iyada ku qasbaya in ay safaaradeed u wareejiso magaaladaasi Qudus. Arrimahan ayaa ka dambeeysay ka dib markii sharci yaqaan ka hawl gala safaaradooda Israa’iil uu sheegay in qorshahaas uu hakad ku jiro, sababo la xiriira qaabka ay ula dhaqmeen booliska Israa’iil koox wadaado Itoobiyaan ah.

Sida ay ku warramayso jariidadda The Times Of Israel, Eliezer Yasu Gil, ayaa yiri “safaaradda Itoobiya in loo raro Quddus waa arrin laga baaraan degayo”, laakin “wakhti xaadirkan arrintaas waa la joojiyey”.

Afhayeen u hadlay safaaradda Itoobiya ee Tel Aviv ayaa sheegay in Mr. Gil uusan ka turjumin aragtidooda, arrintaasna aan marnaba la soo hadal qaadin.

READ MORE:  Dowladda Soomaaliya oo Xarunta Q/Midoobay ku saxiixday Heshiis heer Caalami ah

Safiirka Itoobiya ee Israa’iil Amb. Tsegay Berha Hadera, ayaa ka digay in ka saaridda khasabka lagaga saarayo wadaadadaas dhisme ay leedahay kaniisad Itoobiyaan ah ay dhalin karto xiisad diblomaasiyadeed. Tooobaadkii hore ayaa filim laga soo duubay wadaadaasi Ortodhox-ka ah oo banaanka kaniisadda looga saaray.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->