Gen.Jim Mattis Oo Afka furtay: “Askarigii lagu dilay degaanka Sanguuni waxaa ka dambeeyay…” | Afrikada

Gen.Jim Mattis Oo Afka furtay: “Askarigii lagu dilay degaanka Sanguuni waxaa ka dambeeyay…”

Afrikada, Washington:Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay doorka howlgalladeeda ee ku aadan wadanka Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Mareykanka ee (The Pentagon) ayaa sheegtay inay hawsha ciiddanka Mareykanka ka fadhiya Afrika, gaar ahaan Somalia inaysan ahayn inay ka qeyb galaan Dagaal Toos ah, balse uu Waajibaadkoodu yahay inay bixiyaan La-talin iyo Taageero dhanka Loojistikada ciidammada ah.

3 Alifle Alexander Conrad oo 26-jir ahaa ayaa isbuucii hore lagu dilay Weerar ka dhacay Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, xilligaas oo ay milliteriga Mareykanka taageero siinayeen boqolaal Ciiddamo isugu jiray Soomaali iyo Kenyaan ay weerareen Dagalaamyaal Al-Shabaab ah oo ku sugnaa duleedka Kismaayo.

Jim Mattis, xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa isagoo la hadlaya Suxufiyiinta sheegay in Milliteriga Maraykanka ee jooga Afrika in ay yihiin kuwo halkaasi u jooga in ay Ciiddanka qaaradda Afrika siiyaan Tababar iyo La-talin ku adaan sida ay u socoto Hawshooda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Ciiddanka Maraykanka halkaasi u joogin inay dagaalamaan ama ka qeyb gaalaan Hawlgalo.

READ MORE:  Magaalada Marka Oo laga Qaxayo iyo Jen. Caanood Sababay Burbur Rayid iyo Kala Orod?

Mar wax laga weydiiyey in hadalkiisa la micno tahay inay Ciiddanka Maraykanka dhamaantooda ammaan yihiin, waxa uu ku jawaabay “ Maya, waa taas sababta aan u isticmaalno Ciiddanka Maraykanka”.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaca dalka Maraykanka, Jim Mattis waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan Ciiddan wax duqeeya haatan joogin dhulka dalalka Somalia iyo dalalka kale ee Afrika, balse waxa uu sii raaciyey in tallaabo kasta la qaadayo, haddii loo baahdo.

Si kastaba ha ahaatee, 2 ka mid ah Askarta Maraykanka ayaa lagu dilay gudaha Somalia, halka 4 kalena lagu dilay dalka Nayjar bishii October 4-dii ee sannadkii hore.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->