Dowladda Mareykanka Oo Shuruud ku Xirtay Qaadidda Cunaqabataynta K/Waqooyi

Afrikada, Washington: Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa shaaca ka qaaday in cunaqabateynta saaran Waqooyiga Kuuriya aan laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkeeda Nukliyeerka ah.

Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed kula kulmay dhigiisa dalalka K/Kuuriya iyo Japan waxaana uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go’antahay in ay fuliso arrintaasi.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Mareykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo madaxda dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Donald Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.

Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.

READ MORE:  DEG DEG: Kofi Annan oo geeriyooday

Balse Pompeo ayaa carrabka ku adkeeyay in aan Kuuriyada Waqooyi cunaqabateynta laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka go’an tahay xaqiijinta hub ka dhigidda xukuumadda Pyongyang.

Warbaahinta Kuuriyadda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska ayaa sheegtay in la isla meel dhigay in tallaabo tallaabo loo fuliyo, oo si talantaali ah uu dhinacba markiisa uga soo baxo waxyaabaha looga baahan yahay, taasoo khilaafsan waxaa uu hadda sheegayo xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo.

DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 19/09/2018
- Sep 19, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo ...
Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
%d bloggers like this: