DEG DEG:Oromada Iyo Soomaalida Oo mar kale iska horyimid, 40 dhimasho ah | Afrikada

DEG DEG:Oromada Iyo Soomaalida Oo mar kale iska horyimid, 40 dhimasho ah

Afrikada, Jigjiga: Dagaal hor leh ayaa dhexmaray laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasi oo isaga hor yimid iska hor degmada Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.

Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

READ MORE:  Saraakiil Cadaan ah Oo ku Soo kala Orda Hilibka Dadka Is- Qarxiya Ee Al-Shabaab..

Labada jufo ayaa soo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, walow waayahan dambe xaaladdu soo laba kacleysay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->