DEG DEG:Ingiriiska Oo Soo saaray Digniin: “Yaan la aadin wadanka Soomaaliya” | Afrikada

DEG DEG:Ingiriiska Oo Soo saaray Digniin: “Yaan la aadin wadanka Soomaaliya”

Afrikada, London: Dowladda wadanka Ingiriiska ayaa soo saartay war saxaafadeed ay uga digeyso muwaadiniinteeda in ay u kicitimaan wadanka Soomaaliya oo ay ku jiraan gobollada iskood isugu magacaabay Somaliland, hase yeeshee waxaa laga reebay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo Ingiriisku sheegay in la aadi karo haddii ay daruuri noqoto.

“Qof waliba oo muwaadin British ah oo booqanaya magaalooyinka Hargeysa ama booqanaya Berbera waa in uu si aad ah u feejignaadaa isla markaana ka taxadaraa meelaha dadku ku badan yahay ama in uu maro goobo la isugu soo baxay oo la tuuran yahay.” La soco warfidiyeenka gudaha ama kuwa caalamiga ah si aad isaga ilaalisid wax mudaharaad ah in ay jiraan iyo in kale, ama wax rabshad ah ay dhacayso. Si deg deg ah uga tag oo ka fogow meelaha ay ka jiraan degaanshiyo li’ida, ha isku dayin in aad daawato ama aad sawir ka qaado meelahaas”

Warkan digniinta ah ee la soo saaray ayaa ku soo aadaya iyadoo safarada dalxiisku ay bilaabanayaan sidoo kalena laga cabsi qabo in weeraro argagixiso lagu soo dhex qariyo xilliyadaasi hawo gediska.

Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, Soomaaliya.

Waxa ay digniintu ka digtay in ay “aad ugu dhowdahay” in weeraro qaraxyo ah laga geysto wadanka Soomaaliya ama hanjabaado iyo afduub in la geysto.

READ MORE:  DAAWO Faransiis, Jarmal, Iyo Ingiriis Oo Ku Gacan Seyray Jawaabta uu Sacuudigu Ka Bixiyay Dilkii Khashoggi

“Argagixisada ayaa si aad ah isugu dayeysa in ay weeraro ka fuliyaan wadanka Soomaaliya. Waxaa jira hanjabaado dhanka afduubka ah oo ka socda Soomaaliya oo dhan. Kooxaha seef laboodka ah ayaa hanjabaado u soo diraya reer Galbeedka iyo shaqaalaha reer Galbeedka ah ee la shaqeynaya hey’adaha. Waxaa soconaya hadda hanjabaado isdaba joog ah oo ku aadan weerar argagixisanimo ah oo ka dhacay meelo ay ka mid yihiin caasimadda Muqdisho argagixisaduna waxa ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah muwaadiniinta u dhashay wadammada Yurub iyo Mareykanka, arrintan waxa ay ka jirtaa dhammaan Soomaaliya oo ay xitaa ku jirto gobollada la baxay Somaliland.”

Boqortooyada Ingiriiska safaarad waa ay ku leedahay caasimadda Muqdisho laakiin wax awood ah uma lahan in ay caawinaad dhanka qunsuliyadda ah siiso muwaadiniinteeda. Waxaana ay safaaraddu weydiisaneysaa qof kasta oo caawinaad deg deg ah u baahan in uu la xiriiro safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Nairobi.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->