DEG DEG:Ciidammada milleteriga Soomaaliya Oo ka tacsiyeeynaya geerida ku timid Gen. Cali Baashi.

Afrikada, Muqdisho Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in meydka Marxuumka la keenayo magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: