DAAWO:M/weyne Farmaajo Oo hadiyad Ciidul Fitr gaarsiiyey naafada XDS ee Martiini

Afrikada, Muqdisho: Hadiyad ka timid madaxweynaha ayaa la gaarsiiyay Naafada isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Hadiyaddan ayaa ujeedkeedkeedu yahay farxad la wadaagis waqtiga ciidul Fitr waxaana madaxweynuhu u soo wakiishay Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa gaarsiiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan cusbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho hadiyado ciidsiin ah oo uu ugu talagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Tuulax ayaa hadal uu u jeediyey Ciidanka waxa uu ku sheegay in Ciidsiintan uu u sameeyey Madaxweynuhu ay ka tarjumayso sida uu markasta u xasuusanyahay, una daneynaayo farxaddooda iyo niyad wanaagooda.

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idinku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

READ MORE:  DAAWO: “Somaliland Waa Hasha Geella Cunta Ee Hadana Cabaadda”

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Maamulka heer Gobol iyo heer Federaal in wax tar muuqda oo joogto ah ay u sameeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Cusbitalka Martiini, maadama ay naftooda u soo horeen dalkooda, haatanna la joogo xilligii ay guran laheeyeen mirihii halgankii dheeraa ay u soo galeen dalkooda.

Saraakiisha iyo Ciidanka Naafada ah ee la guddoonsiiyey hadiyadaha uu ugu tala galay Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dareenkooda farxadeed, iyagoona bogaadiyey maamuska iyo maqaamka uu u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: