DAAWO:Kacdoonkii maanta ka dhacay Laas-caanood Iyo Dhaawacyada

Afrikada, Laas-Caanood: Abbaarihii 9:30 Am ayaa faraha la iskula tegay bartamaha suuqa magaalada Laascaanood halkaasi waxaa ka dhacay dhaawac soo gaaray 2 qof oo dumar ah waxaana iska horimaadkani uu dhacay kadib markii ciidamada maamulka Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen suuqa weyn ee magaalada Laascaanood.

Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii ay is af dhaafeen askar Somaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

“Laba baabuur ayaa suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen ciidamada Somaliland kadib wiil baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, ayuu yiri goob-jooge magaciisa diidey inaan xusno.

Labadan hablood ayaa magacyadoodu kala yihiin: Sacdiya Xirsi Cabdilaahi iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale waxaana hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal.

Shacabka ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo kuwaasi oo rasaas ridey iyaguna taasi oo sababtay in ciidamadii Somaliland yaacan iyagoo ka cararay hal qori oo nooca AK47 ah iyo agab kale oo ay k amid yihiin kabo kuwa askarta ah oo qaar kamid ah askartu haleeli waayeen in ay qaataan.

READ MORE:  DHAGEYSO: Gudoomiye Xaliimo Yarey Oo Ku Dhawaaqay Doorashada Kursi Ka Bannaan Baarlamaanka

HALKAN KA DAAWO VIDEO:

Laba qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey Cusbitaalka adeega wacan ee Lasanod Manhal Hospital a waxaana la ii sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Somaliland uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale, Waxaa jira iyana kacdoon xoogan oo dhinaca shacabka kuwaa oo markii danbe isu bedelay in laamiyada la gubo.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
- Sep 21, 2018
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka ...
WAR DEG DEG AH:Gabar kale oo ardayad ah Oo inta JAAMACAD Loogu Galay madaxa laga toogtay?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warar haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda Soomaaliya ee ...
Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka
- Sep 21, 2018
Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada ...
AKHRISO SIRTA ku jirta Soomidda maalinta Yowmul Cashuuraa Ee bisha Muxaram?
- Sep 21, 2018
Afrikada, Nairobi:  Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ...
DHAGEYSO: Dagaal culus Oo ka dhacay Faafax-Dhuun
- Sep 20, 2018
Afrikada, Jubaland: Dagaal culus caawa ka dhacay meel u dhow degaanka Faafax-dhuun oo ...
%d bloggers like this: