Madaxda Ruushka Oo jeediyay digniin Ku aadan xafladda furitaanka World Cup-ka | Afrikada

Madaxda Ruushka Oo jeediyay digniin Ku aadan xafladda furitaanka World Cup-ka

Afrikada, Moscow: Madaxda dowladda Raashiya ayaa dadweynaha gudaha ku boorinaya in aysan kaxeysanin baabuurta maalinimada Khamiista oo loo dabaaldegi doono furitaanka koobka adduunka si looga taxadaro in uusan cariiri xagga wadooyinka ah uusan dhicin.

Caasimadda wadanka Raashiya ayaa waxaa ku nool 12 milyan oo dadweyne ah ayaa u muuqata mid cariiri noqon karta xilli ay magaalada qaabileyso boqolaal kun oo marti ah kuwaasi oo hal mar soo booqan doona caasimadda Moscow, inta uu soconayo koobka kubadda cagta ee dunida.

Taageerayaal ka kala socda 32 wadan oo caalamka ah ayaa magaaladu martigelin doontaa waxaana ay ka sii baxayaan isla markaasina ay soo gelayaan gegiyada diyaaradaha ee Moscow iyaga oo hadba dhinac ugu socdaali doona 11 garoomada dalka ah oo ciyaaraha lagu qaban doono.

Saraakiisha caasimadda Moscow ayaa ku adkeystay in muddo bilo ah ay qorsheynayeen wax kasta oo lagu xaqiijin karo in magaaladu u gegsan karto islamarkaasina si xowli ah u shaqeyn karto marka ay ciyaaruhu bilowdaan.

READ MORE:  DHAGEYSO: Xildhibaan Dabo-Geed Oo Canaan kulul U jeediyay Hey'adaha yimaada marka abaarta laga baxo!

Xilli hore ayaa magaaladu waxa ay u muuqatay mid aan la tacaali karin rabitaanka dad tiro badan.

Madaxda magaalada ayaa shaaca ka qaaday in wadooyinka waaweyn ee ugu mashquulka badan la xiri doono si loo dhowro isku socodka martida xilli si qaas ah ay iyaga oo keliya  wadooyinkaasi u soo mari doonaan, xafladda furitaanka ciyaaraha.

“Waxaan ku boorineynaa dadka deggan magaalada in ay isticmaalaan gaadiidka BL-ka isla markaasina ay guryahooda uga soo tagtaan baabuurtooda yar yar maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda gaadiidka.

Ruushka ayaa isagu Soofiyeetkii hore ka dhaxlay nidaamka ah in la xiro wadooyinka xilliga ay martidu ama saraakiisha sar sare ay marayaan jidadka waaweyn ee magaalada Moscow.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->