Waa Goorma Xiiliga Ugu Fiican Ee la jimicsado?

Waqtigu midba si gaar ah ayaa uu bani’aadamku u dhaqmaa. Dadka badankiisu waxay aaminsan yihiin in Jimicsugu ugu habboon yahay arooryada hore inta u dhaxaysa marka uu qofku hurdada ka kaco iyo marka uu shaqo tagayo.

Hase yeeshee saynisyahanno cilmi-baadhis sameeyey ayaa ogaaday in aanay taasi sax ahayn laakiin ay tahay hawl-fudaydsi.

Saynisyahannadu waxay sheegeen sababata ay dadku subaxa hore u jimicsadaan in ay tahay sabab la xidhiidha jadwal maadaama xilligaasi uu yahay xilli qofka aanay wax hawl ahi u oolin waa xilliga kali ah ee uu joogtayn karo jimicsiga laakiin maaha xilliga ugu habboon ee la ugu habboon jimicsiga ayuu yidhi Dr. Sanjay Gupta oo ka tirsan CNN.

Saynisyahannada cilmi-baadhista sameeyey ayaa tibaaxay in galinka dambe ee maalintii ay tahay wakhtiga ugu wanaagsan ee la jimicsan karo, sababtoo ah wakhtigaas waxa kala baxa muruqyada jidhka si fiicana u aqbala dhaqdhaqaaqa jidhku samaynayo.

Sidoo kale wakhtigaas waxa aad hoos ugu dhaca dhaawaca jidhka ka soo gaadhi kara jimicsiga maadaama muruqyada jidhku ay marka horeba ku soo kala baxeen dhaqdhaqaaqiii maalinimada.

READ MORE:  DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 13/09/2018

Saynisyahhanadu waxay ku taliyeen ciddii wakhti haysataa in jimicsigeeda ay u beddesho galinka dambe ee maalintii ama xilliga fiidka.

Hase ahaatee saynisyahannadu waxay sheegeen jimicsiga subaxnimadu in uu u wanaagsan yahay shaqada iyadoo qofka subaxnimada jimicsadaa uu shaqada bilaabayo wareegga dhiigiisa oo wanaagsan kaas oo suurto galiya in ogsijiintu si wanaagsan u gaadh jidhka taas oo kor u qaadda firfircoonida iyo garaadka labadaba.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: