Taabith Oo bilaabay mucaaradnimo ka dhan ah dowladda

Afrikada, Muqdisho:  Weerar xooggan oo dhanka afka ah ayaa lagu qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed isagu ku handaday dowladda Farmaajo sababta ay xayiraadda uga qaadi la’ dahay shacabka Muqdisho, waxa uu Taabith ku eedeeyay dowladda in ay waxba ka qaban weysay dilalka isdaba joogga ah ee lagu hayo dad uu ku tilmaamay “Dhallinyarada ka shaqeysata gaadiidka Bajaajta.”

Taabith ma uusan cayimin cidda dilalka geysata iyo waxa ay damacsan yihiin.

Taabith ayaa hore u soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaana uu aqoon iyo khibrad buuxda u leeyahay amniga magaalada Muqdisho, waxaana Taabith Cabdi uu ahaa gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada markii uu dhacayey qaraxii lagu hoobtay ee Zoobe.

Taabith ayaa boggiisa Facebook soo dhigay oraah ah: “Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato” oraahyadan cusub oo muujinaya sida uu u dhaliilsan yahay dowladda dhexe. Dhanka kale dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa iyagu dheelaya ciyaar ka duwan tan dadku qalbiga ku hayaan, taasi oo ah “Kaadi Badane Waa loo gogol badiyaa” oo macnaheedu ay ka wadaan “Qaraxyo badane Waa loo ammaan-sugid badiyaa” shakina kuma jiro in dhagaxyadu yihiin isbaaradii ama amnigii oo hubka laga dhigay.

READ MORE:  DHAGEYSO: Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo aad Uga Careysan ISBEDEL LA'AANTA Dowladda Farmaajo?

Taabith ayaa isagu aad u calaacalaya xilli ay joogsadeen qaraxyadii waaweynaa oo lagu hooban jirey, kuwaasi oo laga dareemi karo caasimadda in tiradoodii hoos u dhaceen, balse dilal ayaa bedelay qaraxyadaasi tani oo muujineysa hoos u dhac ku yimid argagixisada sida Ramadaantani la dareemi karo.

Sidoo kale gudoomiye Taabith ayaa aad u dadaalaya walow uu hilmaamay baaqii 22 Oktoober 2017-dii baaqaasi oo uu jeediyay madaxweynaha qaranka M.C/laahi Farmaajo waxaana uu madaxweynuhu ka jeediyey baaqaasi shirkii maamul goboleedyada isaga oo ku dhiirigeliyay siyaasiyiinta in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto waxa ka dhacaya dalka:

Qodobka 1-aad ee baaqa madaxweynaha ayaa u dhignaa sidatan: (1).In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.

(2). In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.

READ MORE:  Mukhtaar Rooboow Oo U Tartamaya Xilka Madaxweyne Ee Maamulka K/Galbeed?

(3). Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

Hadalkaasi madaxweynaha siyaasiyiintu dheg jalaq uma siiyaan, doorkoodana kama qaataan sugidda amniga iyaga oo sida la ogyahay deggan ama ku hoos gabada meelaha ay degan yihiin AMISOM iyo dowladda. Si kastaba siyaasiyiinta ayaa iyagu fiirsada oo keliya danahooda isa-soo-caan-bixinta.

Hadaba dib u jaleec cadaadiska uu Taabith saarayo dowladda Farmaajo isaga oo Faceboogiisa u adeegsanaya dhaliilo isdaba joog ah oo xanaf leh, iskana dhigaya shaqsi dan u wada bulshada:

“Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha. Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.

Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.

READ MORE:  DAAWO:M/weyne C/Gaas Oo soo kormeeray ciidammada & jeneraallada Puntland ka fadhiya Tukaraq

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.

Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.

Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato!”


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: