Puntland: “Ma jirto Wadahadal aynu ka gelaynaa xaaladda Tukaraq”

Afrikada, Garoowe: Xilli uu wasiir ka tirsan Somailand ku dhawaaqay in ay wadahadallo u socdaan Somaliland iyo Puntland balse weli muuqdaan wax wada hadal ah oo u socdo dhinacyada dagaalamaya.

Xaaladda Tukaraq ayaa ka sii dareysa xilli labada dhinac ay dareemayaan cadaaadis ka imaanaya rayidka degaanka iyo beesha caalamka, kaasi oo la xiriira xaalada bani’aadanimo  ee Tukaraq.

Saacid Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa dhow jeer ku celceliyey in ay heshiis iyo wadahadal la gelayaan Puntland.Hase yeeshee, afhayeenka maamulka Puntland Cabdullahi Maxamed Quraan-jecel ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin.

Wuxuu sheegay Quraan-jecel qodobada uu soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland in ay yihiin kuwo ay horey u soo jeediyeen Qaramada Midoobay, wuxuuna tilmaamay in ay xoreynayaan dhul uu sheegay in ay heystaan Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo kulan ku yeeshay maalmo kahor magaalada Jabuuti ayaa ka wada hadlay xaalada deegaanka Tukaraq, waxayna ku balameen sidii looga wada shaqeyn lahaa dejinta xiisada Tukaraq.

READ MORE:  DHAGEYSO: Siyaasi 'Cali Mareykan' Oo Jawaab Adag Indhaha U Saaray Feysal Cali Waraabe: "Feysaloow Mufsad Baa Tahaye, Waa Inoo TUKARAQ"

Somaliland ayaa aalaaba dhulalkaasi ku tijaabisa cududeeda milleteri mana jirto hab diblumaasiyadeed oo labada dhinac ah oo weli wax lagu xaliyay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: