Mustaqbalka ururka Al-Shabaab Oo laga deyrinayo, kadib markii cudurka Kansar uu..

Afrikada, Muqdisho: Loollan xoogan ayaa ka dhex bilowday ku xigeennada hogaamiyaha sariirta saaran ee kooxda Al-Shabaab Abuu Cubeyda, sid ay sheegayaan warar laga helayo xero milleteri Oo Shabaabku ku leeyihiin gudaha wadanka Soomaaliya.

Caafimaadka Abuu Cubeyda ayaa ka sii darayey lixdii bilood ee ugu dambeysay iyadoo wax rajo ah aan laga qabin in uu caafimaad helo.

Cubeydah ayaa waxaa uu la ildaran yahay cudurka Kansarka Caloosha (Stomach Cancer).

Waxa uu ninkani hogaanka ururka u hayey tan iyo sanadkii 2014-kii waqtigaasi oo uu qoorta laabay Axmed Godane.
Sheekh Cubeyda ayaa intaasi wixii ka dambeeyay aan lagu baranin in uu dibadda u soo baxo oo uu shacab badan soo hor istaago, iyadoo sida caadada ah aysan xitaa garaneynin maleeshiyaadka ururkaasi. Waxa mintidiintu laga soo weriyey in waqtiga Abuu-cubeydah ay tahay xilligii ugu darnaa ee ururka soo mara.

Xukunka iyo amarada Amiir Cubeyda ayaa sidoo kale waxaan ka marneyn goosasho badan oo ururka ku dhacday, xukunno lagu fuliyey dagaalyahanno ajaanib ah iyo weerarada ururku ka fulinayey dibadaha oo ay ku halaagsameen muslimiin badan.

READ MORE:  M/Weynaha Soomaaliya Oo u duulay Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRADA)

Su’aasha keliya ee Amiirku isweydiinayey ayaa aheyd “Goorma ayaad Caafimaadi doontaa?” hase yeeshee tani ayaa waxa ay ururka dhaxalsiisay in maamul xumo dhanka dagaalka ah ay dhacdo isla markaasina ay iska sii daba dheeraato howsha mintidnimo.

Waxaa la rajeynayey in ay ku xigeennadiisa wax ka bedelaan howsha ama ay bilaabaan in ay wada shaqeyn fiican sameeyaan lacalla haddii uu geeri wajaho Amiirku, balse colaadda haatan taagan ayaa muujineysa in wax guul ah aan lagu gaari karin si fudud si dagaalka loogu guuleysto.

Guddiga Shuurada oo isagu u xilsaaran qaadashada go’aannada iyo magacaabista hogaamiyeyaal cusub loo dooranayo xagjiriinta – ayaa lagu soo waramay in isaguna labo u kala dhantaallan yahay.

Badankood xubnuhu waxa ay ka soo jeedaan beesha Hawiye, waxa ay deg deg xubintooda ugu soo magacowdeen Xasan Fiidow, kaasi oo ay beeshu doorbideyso in uu xukunka qabto marka uu Amiirku geeri ku timaado.

Magacaabista Fiidow ayaa sababtay tarar iyo kala qeybsanaan ururku ka dhex dareemay guddiga iyo darajooyinkii arrimaha dibadda oo hoos u dhacay.

READ MORE:  AKHRI: Qodobada ay ku heshiiyeen Dowladaha Eretriya iyo Soomaaliya

Aqlabiyadda dagaalyahannada intooda badan waxa ay ka soo jeedaan beesha Daarood, kuwani oo haatan xaaladdu isku bedeshay in guddiga awoodaasi ay dareemayaan in laga leexsaday.

Warbixinno ayaa sheegaya in Mahad Karatee- madaxii sirdoonka- la saadaalinayey in isaga uu ku guuleysto kaalinta hogaamineed ee ururka. Waxaana Karatee laga soo sheegayaa in uu ciidammo iyo taageero raadsanayo iyadoo laga shaki qabo in uu dhigayo shirqool ka dhan ah cid kasta oo isku dayda in ay Abuu Cubeyda ka dhaxasho talada.

Tillaabada xigta ee Karataay waxaa lagu sheegay in uu isha si dhow ugu hayo isla markaasina uu go’aansanayo isagu waxa xiga ee ay tahay in ururku ku dhaqaaqo.

Wadammada gobolka ayaa doonaya in ururkani uu burbur wajaho sababo la xiriira weerarada kooxda oo galaaftay dad badan oo ay ku jiraan askar si xun loo dilay iyo si daran loo dhaawacay.

Dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Yugaandha ayaa iyagu ciidammo badan ugu tabarucay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaana ay isku dayayaan in ay soo celiyaan nabadii iyo xasilloonidii dalka Soomaliya iyo guud ahaan gobolka.

READ MORE:  Donald Trump Oo ku Goodiyay in uu Soo afjari doono kacdoonnada ka jira Qaaradda Afrika+ Al-Shabaab Oo aad U naxsan

Tarjumaadii Weriye Burhan Pikolo.

The Star newspaper.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: