Muran ka taagnaa magaca dalka Macedonia Oo la soo afjaray

Ra’iisul wasaarayaasha Gariiga iyo Macedonia ayaa ku heshiiyay magac cusub oo uu yeelanayo dalkii horey uga tirsanaan jiray Yugoslav.

Dalka Macedonia ayaa hada kadib lagu magacaabi doonaa Jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia si loo kala saaro oo aysan isugu ekaan magaca gobol ku yaala Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia.

Labada dal ayaa arrintan ku muransanaa tan iyo intii Macedonia xoriyadda qaadatay ka dib dagaalkii Balkaniska ee dhammaaday 25 sano ka hor.

Ra’iisul wasaaraha Macedonia Zoran Zaev ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu dhowrayo tusmada dhaqanka iyo qoomiyadaha dalkiisa.

Magacan cusub ee jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia ayaa imika loo qaadi doonaa afti qaran.

Dowladda Gariiga ayaa in muddo ah diidanayd magaca Macedonia maadaama gobol Gariiga ka tirsan sidoo kale lagu magacaabo Macedonia .


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: