MAREYKANKA: “Dowladda Soomaalida waxaa ka buuxa Kooxaha Al-Qaacida..!” | Afrikada

MAREYKANKA: “Dowladda Soomaalida waxaa ka buuxa Kooxaha Al-Qaacida..!”

Afrikada, Washington: Nin senetor ka ah oo laga soo doorto gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in ciidammada Soomaalia ay ka buuxaan xubno Al-Qaacida ah.

Senatorkani ayaa lagu magacaabaa Rand Paul waxaana uu ka hadlay arrin cusub oo ku saabsan in ciidammada dowladda ee aruuriya lacagaha canshuuraha ee la siiyo dowladda Soomaaliya in ay ciidankaasi yihiin Al-Qaacida.

Senator Rand Paul oo laga soo doorto gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay jiraan cdeymo ay iyagu hayaan kuwaasi oo muujinaya in ciiddankaas qaarkood qeyb ka ahaayeen Ururka Al-Qaacida, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa jira in 920 carruur la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waxaana jira caddaymo muujinaya inay qaar ka mid ah Ciiddankaasi ka tirsan yihiin Al-qaacida iyo kuwo aan waxba dhaamin burcadda taagan Waddooyinka waa weyn” ayaa uu yiri Senator Senator Rand Paul oo wareysi bixiyey toddobaadkii la soo dhaafay.

READ MORE:  DEG DEG: Mid ka mid ah Dhaqaatiirtii Ugu Caansanaa Soomaalida oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi

Paul ayaa sheegay in aysan wax fiican ahayn in Canshuurta dadka Maraykenka laga soo aruuriyo loo adeegsado lacagaha Ciiddanka Soomaaliya loogu iibiyo Labiska iyo in Mushaar ahaan loo siiyo.

Senator Paul ayaa is-weydiiyey halka ay Lacagta ka imaanayso iyo xitaa waxa Labiska iyo Mushaarka looga dhigayey Ciiddanka Qaranka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Xiriirka Maraykanka iyo Somalia inuu yahay mid ahmiyad u leh hadafyadda lagu taageerayo Siyaasadda iyo Deganaanshaha Dhaqaalaha iyo taageerida Xiisadaha Aadminimo iyo in laga hortago inaysan Somalia gabaad u noqoto Kooxaha Argagixisadda ee guud ahaan Caalamka.

Laakiin Hawlgalkaasi waxa uu ku dhow yahay inaysan suurtogal noqon Karin in la dhamaystiro, iyadoo uusan lahayn Kormeer Munaasab ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in aysan istaahilin dadka Mareykanka ee rayidka ah in lacagta iyaga laga aruuriyo in lebis loogu iibiyo ciidammo aan wax mustaqbal ah laheyn oo dhismahooda iyo xaaladoodu sidii ay doonaan ka yeela.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->