Koonfurta Suudaan Oo cunaqabateyn caalami ah la saarayo
Afrrikada, Juba: Koox fadhigoodu yahay Mareykanka oo takhasuskodu yahay Mareykanka ayaa ku eedeeynaya wadanka Kenya in dowladoodu aysan baaritaan ku sameynaynin meelaha ay hogaamiyeyaasha Koonfurta Suudaan ka soo iibsadaan walxaha raaxada ah sida guryaha iyo baabuurta ee ay ku heystaan magaalada Nairobi.
Hey’adda lagu magacaabo ‘The Sentry’ oo iyadu ah wakaalada baaritaannada samesa ayaa sheegay Talaadadii in sanadkii 2016-kii dadka wax baara ay si waadax ah u arkeen nolol qaali ah oo ay ku nool yihiin iyo hanti badan oo kala yaalla wadammada Kenya iyo Yugaandha waxaana la sheegay in hantidaasi ay leeyihiin hogaamiye kooxeedyada wadanka K/Suudaan.
Hogaamiyeyaasha K/Suudaan ayaa lagu eedeeynayaa in ay ka dambeeyeen dagaal dilaa ah oo galaaftay tobanaan kun oo qof malaayiin kale ka barakiciyey guryahooda halka qaarna ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Guryahaani qaaliga ah ee sida qaaska ah loo leeyahay ayaa sidoo kale ku yaal Nairobi iyo Kampala gaar ahaan waxa ay ku yaallaan meelo ka baxsan magaalooyinka waxaana la sheegay in lagu iibsaday lacago ummadda reer South Suudaan laga dhacay.
‘The Sentry’ ayaa sheegtay hadalkan labo sano kahor waxaana ay warbixintan mar kale qortay Talaadii la soo dhaafay.
Madaxda Kenya ayaa lagu booriyey in cunaqabateyn ay ku soo rogaan hogaamiyeyaasha dagaalka ee wadanka K/Suudaan.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<