Imaaraadka Carabta Oo Waqti kama dambeys ah u qabtay Xuutiyiinta | Afrikada

Imaaraadka Carabta Oo Waqti kama dambeys ah u qabtay Xuutiyiinta

Afrikada, Dubai: Wadanka Imaaraadka ayaa u qabtay kooxaha Xuutiyinta Yemen waqti kama dambays ah oo ay ciidamadooda ugala baxaan magaalada dekadda leh ee Xudeydah.

Imaaraadka ayaa waxa ay ku hanjabeen in haddii aysan Xutiyiinta ciidamadooda halkaasi kala bixin ay weerari doonaan.

Gargaarka bina’aadanimo ee muhiimka ah ee la gaarsiiyo Yemen ayaa waxa uu ka degaa dekadaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa BBC u sheegay in isbahaysiga uu dulqaadkii ka dhamaaday gaar ahaan marka ay timaado in arrintan lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.

Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxa ay horey Xuutiyinta ugu qabteen in muddo 48 saacadood ah ay uga baxaaan Xudeydah.

Horey ayay dowladda Britain u sheegtay in ay isku dayi doonto in ay ku qanciso xulufadada uu Sacuudiga hogaamiyo in aysan weerarin magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yamen.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 250,000 ay naftooda halis galaayso haddii xulufada Sacuudiga ay ku dhaqaaqaan weerar ay ku qadaan dekadda magaaladaasi Xudeydah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->