DHAGEYSO:Sonkor kontarobaan Sun leh Oo lagu Qabtay Kenya | Afrikada

DHAGEYSO:Sonkor kontarobaan Sun leh Oo lagu Qabtay Kenya

Afrikada, Nairobi: Wararka inaga soo gaaraya wadanka Kenya ayaa sheegaya in shixnaddii 3-aad ee sonkor ah lagu qabtay gudaha dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in sonkorta maanta la qabtay lagu soo daray maado sun ah.

Wasiirka amniga gudaha dalka Kenya Fred Matiang’I oo ka hadlayey sonkorta dalka Kenya la geliyay ayaa sheegay in si sharci daro ah sonkortaasi loogu gooshiyey gudaha Kenya isagoo sheegay in sonkortaasi ay ku jirtay sun.

Matiang’i ayaa sheegay inay socdaan howlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo ganacsato caadestay inay dalka keenaan badeecooyin aan u rooneyn isticmaalka bini’aadamka.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo intii la bilaabay howlagallada la soo qabqabtay dhowr qof oo ay baaritano ku socdaan dhinaca kalana wali ay baadi goobayaan dad kale.

Hadalka Matiang’i ayaa imaanayaa xilli labadii isbuuc ee la soo dhaafay laamaha amniga ay soo qabteen in ka badan 2,000 oo loor oo sonkor kontroban ah. Maadada sonkorta ku jirta waxa lagu sheegay in ay tahay maadada Mercury iyadoo maadadan ay tahay mid u eg sonkorta isla markaasina waa dilaa.

READ MORE:  Wufuud ka socota ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo Muqdisho Soo Gaaray+SAWIRO

Sonkortaasi ayaa waziirku cayimay in ay la socdeen badeecooyin kale sida saliida cunada ayaa la sheegay inaan loogu tala galin bini’aadanka waxaana laga soo kala qabtay xaafadaha Islii iyo Ruiru oo ka wada tirsan caasimadda Nairobi.

Sonkortani ayaa maanta saxaafadda loogu soo bandhigay xarunta ciidaamada dembi baarista ee dalka Kenya halkaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro, iyo madaxda amniga.

Dadka xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ayaa wadnaha farta ku haya xilli sonkortaan la sheegayo in markii ugu horeysay xaafadaasi lagu qabtay.

HALKA KA DHAGEYSO CODKA WASIIRKA AMNIGA KENYA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->