Banaanbaxyo Gilgilay Itoobiya | Afrikada

Banaanbaxyo Gilgilay Itoobiya

Afrikada, Addis Ababa: Dibadbaxyo ayaa maalintii 2-aad ka socda Waqooyiga wadanka Itoobiya.

Dadweynaha ayaa gadood ka muujinaya go’aankii dhowladda Itoobiya ay sheegtay in dhul ay leedahay Itoobiya lagu wareejiyo Eritrea.

R/wasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed ayaa dowladiisu waxa ay asbuucii hore soo saartay warbixin ay ku sheegayso in dowladda Itoobiya ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku yaallo xuduudda Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah go’aanka dowladda.

Waxa ay sheegeen haddii go’ankaasi laga dhabeeyo in uu noqon doono mid xushmad la’aan ka dhigayo kumanaankii qof ee ku dhintay dagaalkii Eritrea ee ku salaysnaa soohdinta ee dhacay 1998 ilaa 2000.

Xisbiyada siyaasadda ee waqooyiga Itoobiya ayaa sidoo kale ka soo horjeestay qorshahaan cusub, Si kastaba ha ahaatee mudaaharaadyadan ayay u badantahay in ay wax yeeleeyso go’aankaasi.

Ra’iisal wasaaraha cusub Abiye Ahmed ayaanan cayimin taariikhda la meel marinayo go’aankan balse waxa uu sheegay in ciidamada soohdinta ku sugan laga soo daabulayo si loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

READ MORE:  DAAWO: Soomaali Isugu Soo Baxday Mudaharaad ka dhacay Wadanka Jarmalka?

Balse Eritrea weli kama aysan jawaabin go’aanka Itoobiya.

R/Wasaare Abiy Ahmed ayaa isagu socod ku maray dalal badan oo gobolka iyo caalamka kaleba si uu dowladdiisa uga bixiyo muuqaal soo jiidasho leh, walow xaaladda Eritrea tahay mid weli su’aal ka taagan tahay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->