Al-Shabaab Oo Dab Qabadsiiyey Gaari iyo Dadkii saarnaa, Qansax-Dheere.

Afrikada, Baay: Wararka inga soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay habeenimadii uu weerar culus ka dhacay degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay.

Waxa kale oo la isla dhex marayaa in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen Qansax-dheere waxaana la sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen labo sarkaal oo ku sugnaa fariisinka halka ay labo kale dhaawacmeen.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarka ay xalay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Qansax-dheere

Dhanka Al- Shabaab ayaa duleedka deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen gaari Qaad siday, dadkii gaariga saarnaa ayaa iyaguna lagu gubay gaariga iyadoo lagu amray in aysan ka soo bixi karin baska. Halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 4 qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
Kuwait Oo martigelin doonta Shir Soomaaliya Looga Caawinayo dhanka Waxbarashada
- Jul 19, 2018
Afrikada, Kuwait:  Intii lagu jirey shirkii Brussels ayaa safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, ...
%d bloggers like this: