DAAWO:Kim & Trump Oo ku kulmay Singapore
Afrikada, Capella, Singapore: Waxaa qabsoomay kulankii fool ka foolka ahaa ee la sugayey in uu dhex maro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un waxaana aya ku kulmeen dalka Singapore, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada hoggaamiye yeesheen.
Labada hoggaamiye waxay wadahadalkooda ay diirada ku saarayaan inay xal ka gaaraan coladda muddo dheer jirtay ee labada dal ka dhaxeysa. “Waan ku faraxsannahay inaan Mr Madaxweyne kula kulmo” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweyne Trump ayaa isaguna yiri ”Si weyn ayaan u dareemayaa, waxaan yeellanayaa dood weyn waxayna noqon doontaa mid guul weyn ku dhammata. Sharaf ayay ii tahay, waxaanan yeellan doonaan xiriir fiican, taasna shaki kama qabo”.
HALKAN KA DAAWO KIM IYO TRUMP:
Kim ayaa isaguna ku jawaabay ” Ma fududeyn in halkan aan soo gaarno. Waxaa jiray caqabado, laakiin waan ka soo gudubnay si aan kulankan u yeellano”
Trump iyo Kim ayaa yeellanaya kulan fool-ka fool ah oo labadooda oo kali ah, iyagoo ay ku wehelin doonaan laba turjubaan, waxaana goor danbe kulankooda ku soo biiri doonaa saraakiil labada dhinac ka tirsan.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<