Dhakhtar go’aamiyay in aan la badbaadin bukaan socod | Afrikada

Dhakhtar go’aamiyay in aan la badbaadin bukaan socod

Wadanka Sweden waxaa ka jira sharciyo gaar ah kuwaasi oo dhanka caafimaadka ah, waxaa mar mar ay dhacdo in aan bukaan- socodka la siinin daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa.

Laanta wararka Ekot oo shaacisay in bukaan-socod khatar ugu jiro innuu u dhinto billaa micno marka shaqaalaha caafimaadku gaaro go’aan nolosha muhim u ah.

Waa arrin la xiriira inaan bukaan socodka la siin daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa.

Torsten Mossberg, khabiir ka howl-gala heyadda kormeerka daryeelka iyo caafimaadka ayaa qaba aragti ah in ay arrintani tahay wax aad u xun. Sidan ma aha in loo dhaqmo.

Dhaqtarka ayaa go’aan ku gaari karo in aanu isku dayin badbaadinta nafta bukaan-socod ku dhow innuu dhinto. Arintaa ayaa loogu yeeraa xadeynta daryeelka ”behandlingsbegränsning” iyadoo sanad kastaana dalka Sweden laga gaaro kumanaan kun oo go’aan noocan ah. Ujeedada go’aanka noocani waa innaan bukaan-socodka la siin daryeel aan natiijo u lahayn.

Ekot ayaa baartay boqolaal kiis oo ku saabsan xadeynta daryeelka kuwaasoo sida loo fuliyey ay ku aragtay khaldaad badan.

READ MORE:  Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare

Tusaalle ahaan waxa dhacday in shaqaalaha caafimaadku isku khalday bukaan-socodka la xadidayo daryeelkiisa iyo kan la siinayo daryeelka.

Mid ka mida bukaan-socodka dhibaatadu soo gaartay waa 30-jir aannu ugu yeereyno Mattias. Mattias baa la dhigay cisbitaalka Lund kadib markey ku adkaatay innuu neefsado cudurka sambabada dartii. Dhaqtarka ayaa go’aan ku gaaray inaan Mattias la siin daryeel si naftiisa loo badbaadiyo haddii xaaladiisu sii xumaato.

Torsten Mossberg ayaa ula jeeda in dhaqtarku si deg dega u gaaray go’aanka ah innaan Mattias la siin daryeel nafta badbaadiyo iyo inaanu dhaqtarku helin sawir ku filan ee nolosha Mattias. Arintan ayaa sababi kartay innuu Mattias dhinto.

Waxa Mattias badbaadiyey hooyadii oo ka hor timid go’aanka dhaqtarka taasoo keentay in dhaqtar cusubi beddelo go’aankaa.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->