DEG DEG:Madaafiic laga maqlayo Xarunta maamulka Galmudug Ee Cadaado
Afrikada, Cadaado: Warar kala duwan ayaa inaga soo gaaraya xarunta maamul goboleedka Galmudug ee Cadaado. Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay weerareen maleeshiyo taabacsan m/weyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Waxaa la sheegay in labada mas’uul ay weerar ku harqiyeen madaxtooyada oo ay gacanta ku hayeen wasiiro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Xaaf.
Xabadda ayaa weli dhaceysa waxaana la sheegayaa in ciidankii madaxtooyada Galmudug la jebiyey. Dagaalka ayaa weli soconayaa iyadoo magaalada Cadaado caawa laga maqlayo diryanka rasaasta iyo madaafiic kala gedisan.
Ciidammada weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale loo diiday in ay madaxtooyada Galmudug gudaha u galaan, waxaana soconeysa rasaasta la isweydaarsanayo. Saciid Siyaad waa wasiirka maaliyadda Galmudug mar ay warbaahintu la xiriirtayna waxa uu sheegay in dadka weerarka soo qaaday in ay yihiin ciidamada m/ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo isku dhinac ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaafka madaxda Galmudug uu soo gaaray halkii ugu xumeyd.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<