AMISOM Oo dagaal iclaamisay Maalinta Ciidul Fitri?? | Afrikada

AMISOM Oo dagaal iclaamisay Maalinta Ciidul Fitri??

Afrikada, Muqdisho: Xoogagga AMISOM ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa iclaamiyey weeraro ay maalinta Ciidul Fitri lagu qaadi doono kooxaha mayalka adag ee ka dagaalama Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa laga fulin doonaa gobolka Sh/Hoose waxaana amray AMISOM madaxdeeda sare.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada AMISOM weerarkani uga gol leeyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Al-Shabaab ay ka soo qaadi karaan gobolkaasi inta lagu gudajiro maalmaha Ciidul-Fidriga, sidaa darteedna inta aysan soo qaadin lagu qaadi doono iyaga.

Goor horeba howlgalka AMISOM waxa ay tilmaameen in howlgalladu ka bilowdeen degmooyinka ay ka mid yihiin Laantabuure, Afgooye, Lafoole iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.

Ciidul Fitri ayaa ah xilli muslimiintu soo dhameysteen waajibaadkii bisha Ramadaan, balse lama oga weerarada xilligan la iclaaminayo sida ay u saameyn doonaan bulshada, walow Al-Shabaab iyo cid kasta oo xabad rideysa ay khatar ku yihiin danaha dadka masaakiinta ah iyo rayidka guud ahaan.

Kooxaha Al-Shabaab ayaa geysta weeraro arxan darro ah, waxaana jawaabo siiya kooxaha amniga ilaaliya ee AMISOM, tani oo keenaysa in labada dhinac ay xitaa isku goodiyaan xilliga farxadda muslimiintu ciidaan.

READ MORE:  DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 24/08/2018

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->