7 ruux oo ku maanshootay doon kula dagtay Webi Shabelle | Afrikada

7 ruux oo ku maanshootay doon kula dagtay Webi Shabelle

Afrikada, Afgooye: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Raqiley oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose waxaa halkaasi ku rogmatay doon dad ay la socdeen.

Doontaan ayaa waxa ay ka ambabaxday magaalada Afgooye, waxaana ay ku sii jeeday Degmada Awdheegle.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Raaqiley ayaa Warbaahinta u sheegay in doonta ay gadoontay xilli ay mareysay meel ku aadan deegaanka Raaqiley, waxaana saarnaa doonta ku dhawaad 20 ruux iyo raashin.

Markii doonta ay rogmatay ayaa dadkii qaarna ay ku dabaasheen wabiga halka qaar kalena gurmad loo fidiyay ugu dambeyn lagu soo badbaadiyay.

Qofkaan ka tirsan dadka deegaanka Raaqiley ayaa wuxuu sheegay in la waayay todobo ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta kuwaasi oo markii dambe shalay galab la xaqiijiyay inay geeriyoodeen.

Deegaanka Doonta ay ku rogmatay ayaa wuxuu u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo deegaanka Bariire, dadka ma shaqadan qabsatay ayaa waxa ay ka soo adeegteen Degmada Afgooye.

READ MORE:  DAAWO:Puntland Oo raadineysa Nin khasnadda Dowladda kala Baxsaday Lacag Badan

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabellaha hoose C.fatax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka amuurta dhacday.

Illaa hadda si cad looma oga sababta rasmiga ah ee doonta ka dambeysay inay rogmato.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->