Rabshado ka dhacay Uganda kadib markii la dilay Xildhibaan

Ammaanka ayaa la xoojiyay deegaanka Arua ee waqooyiga Uganda ka dib markii Jimcihii halkaasi lagu dilay xildhibaan caan ah oo baarlamaanka dalkaasi ka tirsan.

Taageerayaasha Ibrahim Abiriga ayaa burburiyay hanti isla markaana isku dayay in ay weeraraan saldhig booliis.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa ka qeybgalay aaska Mr Abiriga maanta Isniin ah.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Axaddii isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda si ay u soo dhaweeyaan maydka xildhibaankii deegaankaasi Ibrahim Abiriga kaasoo ka mid ahaa dadka sida wayn u taageera madaxwayne Yoweri Museveni.

Mr Abiriga iyo askarigii ilaalinayay ayaa lagu toogtay habeenkii Jimciha guriga xildhibaanka oo Kampala ku yaalla.

Sida ay sheegeen booliiska dalkaasi dad isu soo baxay ayaa ku dibadbaxay ilaalada xildhibaanada waxa ayna isku dayeen in ay weeraraaan saldhiga ugu wayn booliiska magaaladaasi.

Booliiska ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay dibadbaxayaasha u kala ceyriyaan.

Saxafiyiinta ayaa sheegaya in dadka xildhibaanka u baroor diiqayay ay ka careysnaayeen in dowladda aysan difaacin hogaamiyahooda.

READ MORE:  Hey'adda Human Rights Watch Oo Soo dhoweysay Xariga Cabdi Iley

Ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay guriga xildhibaanka la dilay iyo guud ahaan magaalada.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa balanqaaday in uu xoojin doono dadaalka lagaga hortagayo dambiyada.

Sanooyiinkii ugu dambeeyay waxaa dalkaasi Uganda lagu dilay dad meeqaam sare ku leh dalkaasi waxaana arrintan naxdin ka muujiyay dadka reer Uganda.

Waxaa dhawaan Uganda ka dhacay afduubyo dhowr ah taasi oo madax furasho la dalbanayay waxaan si gaar ah loo bartilmaameedsaday haweenka.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: