Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay ka hortageyso Al-Shabaab iyo Daacish | Afrikada

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay ka hortageyso Al-Shabaab iyo Daacish

Afrikada, Muqdisho: War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhin doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo qatarka Argagixisada Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaasi oo hadda awoodooda Militari ay hoos u sii dhaceyso.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika General Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay la talin iyo caawinba ay siiyaan Gobolka, oo ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM), wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ku dadaalayaan sidii ay ku dhisi lahaayeen istaraatijiyada Bariga Africa.

“Istaraatiijiyadayada Bariga Afrika waa in la dhiso awooda saaxiibadayada si loo hubiyo in laga adkaado rabshadaha ururada xag-jirka ah, ee doonaya inay waxyeellada soo gaarto gobolka, rabaana in ay waxyeeleeyaan qaarada Yurub, ugu dambeyntii waxay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Mareykanka.” Ayuu yiri General Thomas Waldhauser, Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

READ MORE:  DAAWO Wararkii Ugu Dambeeyay Caalamka iyo Soomaaliya

Sidoo kale, Generaal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in si fudud uga shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Africa ayaa ku soo aadaya xilli, June 8, 2018, howlgal si wadajir ah Jubbaland uga fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareynkanka laguna bartilmaameedsaday Al-Shabaab lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Mareynkanka afar kalena lagu dhaawaca.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->