Barakacayaashii Beledweyne oo dib ugu noqonaya guryahoodii

Beled-Weyne, Hiiraan: Cabdullahi Cali waa 39 jir, wuxuu qodayaa hog laba mitir ah, isagoona jiingado dhulka yaal oo gurigiisa dumay ka harayna meel ku rasaynaya, wuxu ka mid ahaa kumanaan qoys oo ku barakacay fatahaaddii Beledweyne, haddase guryahoodii dib ugu soo noqday labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Gurigiisa uu ku soo noqday 31 May, hadda waa mid burbursan oo aan lahayn biyo, musqul, mana taalo wax alaab ahi. Wuxuu ka koobnaa laba qol iyo bersad oo jiinkad ah, wuxuu Radio Ergo uga waramay waxay kula soo noqdeen hoygiisa iyo waxuu la kulmay.

Isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yihiin barxaddii guriga oo dhinacyada ka yaalaan wixii ka haray gurigii dumay, kuna yaal laanta Buulada ee xaafadda Buundaweyn, wuxuu horay uga shaqayn jiray mootooyinka saddex lugoodda, mudadii barakaca uu ahaa ma suurto gelin inu shaqayso taas oo sii adkeysay nolosha qoyskiisa oo markii hore quudan jiray sadax waqti balse mudadii labada bilood aheyd ay quudan jireen hal waqti

Bishii Abril ayuu ka baracay fatahaadii, qoyskiisu waxay ka kooban yihiin 12 qof, waxuuna sheegay in mudadii uu gurigiisa ka maqnaa ay dulsaar ku noqdeen qoys kale oo ay qaraabo yihiin oo ku nool qaybta taagga ah ee aysan biyaha gaarin ee xaafadda howl-wadaag, ayna siiyeen qol saddex mitir ah.

Wuxuu sheegay in gurigii dhexdiisa ay boholo noqdeen, sidii ceelkii oo kale ah ay ka qodmeen, musqushina ka duntay duntay.

READ MORE:  DEG DEG: Warbixin Xasaasi ah Oo ku Saabsan Al-Fanaan CABDI TAHLIIL Warsame?

“Inaan halkaan ku soo noqdo ayaa ii dhaanta dulsaarkii aan ahaa, haddana guriga inaan isku toos toosisto oo meel carruurtu ii gasho habeenki ka dhigo ayaan rabaa” Ayuu yiri Cabdillaahi

Wuxuu sheegay in gurigiisa oo uu dib u dhisto ay u bahan yahay lacag ka badan 1500 oo dollar, uusanna heli karin. Dhinaca musuqlaha ayuu sheegaya inuu qotay hog laba mitir ah si uu si ku meel gaar ah ugu isticmaalo musuqul ahaan, maadama intaa ka badan aan la qodan karin oo wali ay biyaha ka fogeyn dhulka.

Cabdillaahi wuxuu ka shaqaysan jiray wadista bajaajta oo kiro ahayd, iyadiina labadii bilood ee daadadka wax shaqo ah muusan qaban, wuxuu sheegay intuu barakaca ahaa in dad qaraabo ah oo qurbaha jooga ay bishiiba 100 dollar u soo direen.

Cabdillaahi Cabdi Magan oo ah madaxa hay’adda save the children ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada daadadku gaarsiiyeen Beledweyne ay muuqanayso markii biyihii ka baxeen magalada, ayna u bahan tahay qiimayn.

“Waxaa burburay guryihii carshaanta iyo jiingadda ka samaysnaa, musqulihii, ilihii biyaha, waxbarashadii, caafimadkii, jidadkii iyo ganacsigii inay soo kabtaanna waxay qaadanaysaa sanooyin” Ayuu yiri Magan.

Wuxuuna intaas ku daray in iyagu aysan kula talinayan in dadku dhaqso dib ugu noqdaan guryahooda, ayna magaladu u bahan tahay in la buufiyo, ceelasha biyihii iyo musqulaha la dayac tiro.

Fartuun Cabdi oo Arbacadii 30 May dib ugu soo laabatay hoygeeda oo ku yaalo xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo ayaase iyadu sheegtay in goobta ay u barakaceen ee Ceeljaale ay ku qabaan dhibaato.

READ MORE:  WAR DEG DEG AH: Maareeyihii SHIRKADDA GOLIS Oo Caawa lagu DILAY Boosaaso

Waxayna ku noolayd mudadii barakaca ay ku ahayd Ceel Jaalle aqal ka samaysan kartoono iyo gargaar ay laba jeer heshay oo isugu jiray 50kg oo bur, bariis iyo sonkor isugu jiray.

Waxay intaas ku dartay in labadii bilood ay barakaca aheyd carruurta ay kaga dhaceen xanuuno kala duwan oo ay ka mid yihiin shubanka, Maleriyada iyo Burukiito maadama meesha loo barakacay ay aheyd meel cariir ah oo dadkii dhamaa isugu tageen

Fartuun iyadu gurigeeda oo laba qol oo dhagax ah ka kooban ayey dhinacyada iyada iyo carruurteedu ka kebisayeen meelo daldaloola uu ka yeeshay, wax alaab ahise uma dhex ool oo waxaa qaaday daadkii wixii guriga yaalay oo dhan. Waxayse sheegtay inay ku qanacsan tahay inay isaga dhex hoyato iyada iyo lix carruur ah oo ay haysato gurigoo cidla ah.

Saxadda ayaa dhibaatada ugu daran ee hadda ka taagan magaaladda, iyadoo ceelashii biyaha in dib loo qodo ay u bahan yihiin, dadkuna ay samaysanayaan musqulo ku meel gaar ah, ayaa Dr. Cabdi Xaliim Cabdullaahi oo ka hawl galla isbitaalka degmada uu ka digay in ay jirto dhibaato caafimaad oo ka dhalan karta guryaha lagu soo noqonayo tan iyo inta aan dayac tir lagu samayn

“Dadka oo guryahooda arkayaa ma sii degananayaan buushash barakac, waase loo bahan yahay laga hor tago cudurada shubanku ugu horeeyo”Ayuu yiri Dr. Cabdi Xaliim Cabdullaahi.

READ MORE:  DHAGEYSO:Eeyo Ilkaha Mariid Ku leh Oo Dad ku Weeraray Muqdisho Iyo kala carar ay Sababeen!!

Sheekh Xuseen Cismaan oo ah madaxa arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay fatahaaddii Beledweyne ah ku barakaceen 40kun oo qoys, ayna ku adagtahay hoyga, biyaha iyo cunnaduba, ayna dadka danta ku khasbayso inay noqdaan si kastoo xaaladda guryahoodu tahay.

Dadka soo noqday ayaa sheegaya in dhibaatada kale ee soo baxday ay tahay cabirkii guryaha dumay oo aan la hayn, ayna isku dhex darsameen tanoo dhalin karta muran hor leh iyo is qab qabsi ka dhasha lahaanshaha dhulka waxaana wax yaabaha yaabka leh ka mid ah guryaha qaar oo darbiyadooda laga soo qaaday meelo u jirto ugu yaraan qiyaas ahaan 1 KM xaafada Xaawo Taako gaar ahaan laanta dhagax jibis

Waxaa sidoo kale dadka soo laabanaya qaar kood ay wajahen caqabado ah biyaha oo ku haray xaafadahooda sida xaafadaha Bundaweyn iyo Xaawo-taako kuwaas oo bilaabay iney dhaqaalo ay iska aruuriyaan si ay isaga saaraan biyaha ku haray guryahooda ayna ku shubaan matoorada wabiga,

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan sheegin tiro rasmi oo ilaah adda ku noqotay guryahoodii, iyadoo maalin kasta ay dad hor lihi guryahooda ku noqonayaan, laguna noqday xaafadaha Buundaweyn, Kooshin iyo Hawl Wadaag, halka xaafadda Xaawotaako ay tahay xaafada ay sida ba,an u saameysay fataahada wabiga taaso ilaa hada aan lagu soo laaban.

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: