111 gabdhood oo Agoon ah ayuu guurkooda badbaadiyey (Qiso dareen leh)

Hindiya haddii aad tahay gabar oo aadan ka dhalan qoys awoodi kara inay kaa bixiyaan sooryada wiillka reerkooda la siiyo guurkaagu mugdi ayuu ku jiraa, haddii gabadha waalidkeed gaar ahaan Aabuhu uu dhintey gabadhaasi rajo guur way kala durkeen.

Laakiin nin la baxay Aabaha xanaannadda ayaa u guuriyey 111 hablood oo Aabo la’aan ah kuwaasi oo uu u guuriyey ninkii ay isdoorteen, waxaana uu ka bixiyey mid kasta 7,300 oo doolar oo sooryo reerka wiilka la siinayo, waxaa kale oo uu dhabarka u ritay dhamaan qarashka ku baxaya xafladda arooska.

“Waxaan siiyey dahab, dhar iyo qalab kala duwan oo electronic ah gabar kasta, waxaa kale oo aan bixiyey dhammaan qarashkii ku baxayay arooska sida sooryadii wiilka la siin lahaa, waxaan go’aansaday innaan dhigo aroos wadareed si aan u yareeyo qarashka ku baxaya arooska kali-kaliga ah” ayuu yiri ganacsade Mahesh Savani oo ah maalqabeen ka shaqeysta ganacisga Dheemanka.

Tv-ga NDTV ee dalka Hindiya oo warbixintan baahiyey wuxuu sheegay in Mr Savani uu bilaabay in uu caawiyo guurka dadka saboolka, waxaana guurkii ugu horeeyey ee uu xabadka saartay qarashkiisii uu ahaa ka dib markii nin u shaqeynayey uu dhintey 12 maalmood ka hor xiligii uu qorsheystey in uu u guuriyo laba gabdhood oo uu dhalay.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Qaraxii Caawa GILGILAY magaalada MUQDISHO+Ciidammada Oo sheegay In ay DABA-JOOGEEN gaariga QARAXA dhaliyey?

“Ma doonayo in aan tabarucaad ka helo cid kale tani waa hawshayda innaan aroos wadareedka caawiyo”.

Gabar ka mid aheyd labadii gabdhood ee uu dhalay ninkii dhintey waxay sheegtey in Mr Savani uu yahay qof ILAAHAY u soo diray waxayna ku tilmaamtey Aabe waxay tiri “aniga kaliya ma aha ee xitaa qoyskeenna oo dhan ayuu u yahay”.

Bal hadda inyar qooraanso dalkeenna ganacsatadu waa dadka lagu tiriyo naxariis lawayaal walow qaarkood wax wanaagsan sammeyaan haddana waxaa lagu tilmaamaa kuwa dantooda tacabka maal uun muruq iyo maskax isugu geeyey qaarbaa daawooyin, raashin iyo cabitaan dhacay ama tayo liita dalka soo galiya, kuwaa loo bixiyey turaajiriinta dagaalka oo in shiddo iyo dhib lagu jiro ka faa’ida.

In badan baa dhoofinta xoolaha dhediga ah iyo xaalufinta dhirta ku naaxay oo aan dal iyo dad dantoodu ahayn.
W/D: Mowliid Xaaji Cabdi.

Xigasho: NDTV


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: