10 Dal Oo lagu tilmaamay kuwa ugu amniga xun oo la shaaciyey | Afrikada

10 Dal Oo lagu tilmaamay kuwa ugu amniga xun oo la shaaciyey

Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha amniga caalamka ayaa soo saartay warbixin sannadle ah oo lagu qiimeeyo waddamada ugu amniga badan iyo kuwa ugu amni darrada badan caalamka.

Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah sida ay aaminsan tahay hey’adda Globol Law and Order Index.

Liiska 10-ka dalka ee ugu Amni darrada badan waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.

Sierra-Leone

Botswana

Dominican Republic

Mexico

South Africa

Liberia

Gabon

South Sudan

Afghanistan

Venezuela

Hey’adda Global Law and Order Index ayaa warbixinteeda ku saleysay sharciga iyo kala danbeynta dhibco isku dhafan oo ku saleysan kalsoonida dadka ay ku qabaan Booliska degaanka, dareenkooda nabad galyada shaqsi ahaaneed iyo dhacdooyinka xatooyada iyo weerarka iyo soo qabashada tuugada, Heerka sare ee dhibcaha, ayaa ka sarreeya saamiga dadweynaha oo sheegaya inay dareemayaan ammaan.

Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmi baarista iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.

READ MORE:  DAAWO:Turkiga Oo Sheegay in ay Hayaan Muqaal Iyo Cod Cadayna In La Dilay Wariye Jamaal "Miinshaar ayaa lagu jarjary Jirkiisa, Lafahiisana Boorso Lagu Ritay?

Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Sanadkii tagay ee 2017 ayaa sidaan oo kale warbixin hay’adaha Caalamiga ah ay ka qoreen amni darada ka jirta wadamada caalamka Soomaaliya ka saaray liiska wadamada ugu amniga xun ee adduunka,taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay u jeheysatay dhanka horumarka.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->